Maadaama oo COVID-19 mudo labo sano ah dib u dhigay kumanaan baadhitaankii- sannad laha ahaa ee caruurta,hadda waxaa la soo gaadhay wakhtigii ballamahii dhaafay loo samayn lahaa

 

Soo deji blog-kan 

 

Ma xasuusataa wakhtigii COVID-19 ku, khasbay in la xiro iskuullaada, cunto yaraantu dhacday, la waayay waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo iyo Warqadaha musqusha,isla markaana aan joojinay isu imaatinka xilliyada iidaha iyo fasaxyada? Wakhtigaas adag ee la soo maray  dhowaanahan lama ilaawi doono. Xataa qoysas badani waxay go’aan sadeen inay dib u dhigaan baaritaannadii sanad laha ahaa iyo ballamihii kale ee caadiga ahaa ee caruurtooda iyadoo sababtu tahay karoonaha ku faafayay guud ahaan gobolka Minnesota.

Hadda dhakhaatiirta ku sugan guud ahaan gobolka Minnesota waxay xusuusin degdeg ah u dirayaan dhammaan qoysaska haysta ilmaha hadda dhashay, iyo dhamaan carruurta aan qaan gaadhin da’ kasta oo ay jiraan:Waxaa la soo gaadhay wakhtigii la siin lahaa talaaladii ka baaqday.

War bixin ay soo saareen madaxda waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota waxay ku sheegeen in caruurta da’doodu tahay laba- jirka ee ku nool guud ahaan gobolka ee si buuxda u talaalan inay tiradoodu  hoos u dhacday marka loo barbardhigo sanadkii 2019-ka oo uu ahaa 68% laakiin uu sanadkii 2021 hoos ugu dhacay 63% .Hore inooma soomarin wakhtigii ay hadda ka  muhiimsantahay inaad la xiriirtid dhakhtarka caruurtaada si aad u ogaatid talaalada ka maqan ee ay ahayd inay mar hore qaataan. Tallaaladu waxay caruurta hadda dhalatay iyo guud ahaan caruurtaba ka difaacaan cudurada khatarta ah ee talaalkooda la hayo.

Waxaa dhici karta inaad ku wareertid oo aad garan waydid talaalka ay tahay inuu ilmahaagu qaato. Sidaa darteed, Xarunta Dhexe ee ka hortaga Cudurada Faafa (CDC) ayaa samaysay jadwalka tallaalka oo ah mid ay waalidiintu- si fudud u fahmi karaan  si uu ugu noqdo meel ay ka tixraacaan talaalka caruurtooda. Hadii aadan garanayn tallaalada ay caruurtaadu hore u qaateen? Wac rugta caafimaadka ee ilmahaaga ama la xiriir Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota adigoo booqanaya bogooda Internetka. Waxaad halkaa ka helaysaa macluumaadkii ugu dambeeyay ee talaalada ilmahaaga xataa hadii uu talaalada ka qaatay rugo caafimaad oo kala duwan.

Badqabka

Waalidiinta qaarkood waxay is waydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin, sababta ay tallaaladu muhiimka u yihiin iyo inayna talaaladu caruurtooda wax dhibaato ah u gaysanaynin. Talaaladu waxay kahortagaan cudurrada sida, dabaysha, cagaarshowga A, xiiqdheerta iyo jadeecada Kahor inta aan la ansixin, tallaaladu waxay maraan tijaabooyin aad u badan si loo hubiyo inay ammaan u yihiin ilmahaaga marxaladaha kala duwan ee koritaanka ilmuhu maro. Sida ay sheegtay Xarunta Dhexe ee ka hortaga Cudurada Faafa CDC,  talaalada hadda lagu isticmaalo wadanka Maraykanka ayaa ah kuwii ugu amaansanaa ama ugu wanaagsanaa intii Maraykanku jiray.

Kala  hadal dhakhtarka ilmahaaga si’aad u ogaatid talaalada ay ahayd inuu ilmahaagu mar hore qaato ee weli  ka maqan. Inaad si foolka-fool ah ula kulantid dhakhtarka ilmahaagu waa sida ugu wanaagsan ee aad ku ogaan kartid sababta ilmahaaga loo siinayo talaalada wakhtigaa la siinayo iyo cudurada ay ka hor tagaan.

10ka Tallaal Ee ugu Muhiimsan (Xigasho: CDC)

Hoos waxaa ku qoran Waxaan si waxaan dulmar guud oo  gaaban ah oo lagu sameeyay tallaalada la siiyo dhallaanka intooda badan, laga bilaabo markay dhashaan ilaa intay ka gaarayaan23 bilood.

Inta badan caruurtu markay dhashaan waxaa la siiyaa tallaalkooda ugu horreeya, oo ah talaalka cagaarshowga B ama HepB, talaalkan  waxaa la siiyaa 24 saacadood gudahood laga bilaabo markay  dhashaan. Tallaalkani wuxuu ka hor tagaa inuu ilmaha ku dhaco cudurka cagaarshowga B, oo ah cudur beerka ku dhaca oo halis ah isla markaana ah mid si fudud u faafa,loona kala qaado . Tallaalkan kiisa labaad waxaa ilmaha la siiyaa markay da’diisu gaarto inta u dhxaysa 1-2 bilood ka sadexaadna waxaa la siiya inta u dhaxaysa lix ilaa sideed toban bilood.

Tallaalada Ilmaha la siiyo da’da u dhaxaysa hal ilaa laba bilood
Tallaalka DTaP
waxaa caruurta la siiyaa shan jeer, wuxuuna ka hor tagaa cudurada sida gowracatada, teetanada iyo xiiqdheerta. Dhammaan saddexdan cudur ayaa noqon kara kuwo halis ah. Gawracatada waxay ku bilaabantaa cune xanuun, qandho iyo qarqaryo kadibna waxay ku dhalisaa xuub weyn xagga dambe ee sanka ama cunaha. Teetanada waxaa keena bakteeriyo ka dhalata sun laga helo carada, boorka iyo digada. Suntani waxay jidhka ka geli kartaa dildilaacyada nabraha ku yaala maqaarka. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah murqaha oo adkaada, daan xannuun iyo liqidda oo  adkaata. Xiiqdheertu waa jirro ku dhacda sambabada iyo neefmareenka taasoo keeni karta qufac xad dhaaf ah iyo neeftuur cod hiinraag ahí la socdo.
Sidoo kale dhallaanku markay jiraan laba bilood waxaa la siiyaa talaalkoodii  ugu horreeya ee tallaalka Hib, kaasoo kahortagaya hargabka noociisa xun(Hib). Hargabkan nooca darán ahí wuxuu keeni karaa cudurro kala duwan, oo ay ka mid yihiin qoorgooyaha( manijaadhis) iyo oofwareenka ama( qabowga sambabada gala) . Tallaalada kale ee iyagana ilmaha la siiyo da’da u dhaxaysa 1-2 bilood waxaa ka mid ah tallaalka Dabaysha (IPV), oo ay keento Bakteeridayada keenta cudurada sida, oof-wareenka ama qaboowga sambabka gala,qoor gooyaha ama manijaadhiska maskaxda ku dhaca iyo infakshin dhiiga raaca (PCV) iyo talaalka (RV) oo ka hortaga fayraska keena Shubanka  fuuq baxa keena. Dabayshu waa cudur aad halis u ah oo uu keeno fayraska dabayshu, kaa soo sababi kara naafonimo ama xataa nolosha khatar gelin kara.  Dabayshu waxay  dhaawici kartaa xangulada laf-dhabarta, taasoo keeni karta in qayb jirka ka mid ahí ay mayd noqoto ama waxay keeni kartaa daciifnimo ku timaado murqaha. Infakshinka Bakteerida Burunkiitada waa cudur ay keento bakteeriyo. Waxay keeni kartaa infakshin ku dhaca sambabada, dhegaha, dhiigga ,xuubka maskaxda ku dahaadhan iyo xangulaha lafdhabarta. Sidoo kale Fayraska shubanka iyo fuuq baxa keena ee Rotavirus wuxuu noqon karaa mid halis ah, wuxuuna keena shuban, matag iyo qandho ku dhacda carruurta yaryar.Sidoo kale wakhtigan waxaa ilmaha la siiyaa tallaalkii labaad ee HepB.

Tallaalada Ilmaha la siiyo marka uu jiro afar bilood
Markay caruurtu da’da afar bilood gaaraan waxaa intooda badan mar labaad la siiyaa isla talaaladii ay hore u qaateen markii ay da’doodu ahayd inta u dhaxaysa 1-2 bilood. Talaaladaa waxaa ka mid ah:
DTaP, Hib, IPV, PCV, iyo RV. Talaalka Dabaysha, Borokiintada,manijaadhiska,Shubanka, Teetanada iyo gawracatada iyo hargabka

Tallaalada Ilmaha la siiyo marka uu jiro Lix bilood
Markay caruurtu gaaraan da’da lix bilood ah waa wakhtiga caruurta intooda badan la siiyo talaal cusub  oo aanay hore u qaadan kaas oo ah: Tallaalka hargabka. Khuburadu caafimaadku waxay ku talinayaan in tallaalka hargabka sanad walba la qaato laba sababood dartood ta koobaad fayraska hargabka sanad walba wuu isbeddelaa, ta labaad  difaacii aad  ka heshay tallaalkii sanadkii hore oo si tartiib ah u sii daciifaya. Dhallaanka iyo carruurta qaadanaya tallaalka hargabka markii ugu horraysay laba mar oo mudo afar usbuuc ahi u dhaxayso ayaa la tallaalayaa sanadka u horeeya. Hargabka (duraygu) waa xanuun si fudud  loo kala qaadaa oo inta badan dadka kaga dhaca sanka, cunaha, qaybta sare  ee marinka neefsashada iyo sambabada. Sidoo kale dhalaanka waxaa wakhtigan la siiyaa talaalkii saddexaad ee tallaalada kala ah DTaP, Hib, IPV, PCV iyo RV. Iyo tallaalkii saddexaad ee HepB kaa soo la siiyo da’da u dhaxaysa 6-18 bilood. Tallaalka Dabaysha, Borokiintada,manijaadhiska,Shubanka, Teetanada iyo gawracatada iyo hargabka.

 Tallaalada Ilmaha la siiyo da’da u dhaxaysa12-23 bilood
Tallaalka MMR Qaamoo-qashiirta iyo Jadeecada (MMR) waa tallaal isku dhafan oo kahortagaya Qaamoo-qashiirta iyo Jadeecada jadeecada iyo qaamoo-qashiirta. Dadka qaarkood ayaa su’aal ka keena badqabka tallaalkan iyadoo sababtu tahay dacaayado been-abuur ah iyo macluumaad khaldan oo laga faafiyay tallaalkan.

Tallaalka MMR waa ammaan. Waxba kama jiraan sheegashooyinka qaarkood ee sheegaya in tallaalkani sababo ootisam, waxaanan leenahay , MAYA tallaalka MMR ma sababo ootisam. Tallaalkan waxaa si taxaddar leh cilmi baarid xeel dheer ugu sameeyay saynisyahano  Mareykanka gudihiisa ku sugan iyo kuwo goobo kale oo caalamka ah jooga. Si kastaba ha ahaatee Jadeecadu, , waa cudur aad u halis badan oo ku dhaca sambabada iyo xubnaha kale ee neefsashada isla markaana si fududna u faafa loona kala qaado astaamaha cudurkan waxaa ka mid ah finan jirka ka soo daata iyo astaamo kale. Marar dhif ah ayuu cudurkani  horseeda burunkiito, dhaawac xagga maskaxda ah, dhagobeel iyo xitaa dhimasho. Qaamo-qashiirkaa ayaa sidoo kale noqon kara mid halis ah. Astaamaha qaamaaqashiirka waxaa ka mid ah dhabanada iyo qanjirada oo barara, waxaa kale oo weheliya qandho, madax-xanuun iyo daal. Marar dhif ah wuxuu keeni karaa qoorgooye ama manijaadhis kaa soo ah (barar ku yimaada xuubka ku dahaadhan maskaxda iyo xangulada laf-dhabarta),maskaxda lafteeda oo bararta (maskax barar) iyo dhegoolanimo. Sidoo kale talaalka u horreeya ee Cagaarshowga nooca loo yaqaano, A (HepA) ayaa ilmaha la siiyaa markuu  gaaro da’dan si looga ilaaliyo dhallaanka fayraska keena cagaarshowga A, oo ah cudur beerka ku dhaca oo halis ah. Tallaalka saddexaad ee ilmaha ku cusub ee da’dan lagu siiyaa waa tallaalka busbuska (varicella). Busbuska waa cudur si fudud u faafa loona kala qaado astaamihiisana waxaa ka mid ah finan cuncun wata,qandho iyo finan afka hore dheecaan kaga jiro. Marar dhif ah ayaa cudurkani sababaa kara caabuq maqaarka ku dhaca, fuuqbax, oofwareen ama qabowga sambabka gala, maskax barar iyo xitaa dhimasho.Sidoo kale markay dhalaanku da’dan yihiin waxaa la siiyaa talaalkii  saddexaad ee tallaalada kala ah, DTaP, IPV, PCV iyo RV, iyo talaalkii afaraad ee Hib. Talaalka Dabaysha, Borokiintada,manijaadhiska,Shubanka, Teetanada iyo gawracatada iyo hargabka.